1¶ Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen.
2Goortii sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan?
3Kanu miyaanu ahayn nijaarkii, ina Maryan, kii walaal u yahay Yacquub, iyo Yoosee, iyo Yuudas, iyo Simoon; gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Wayna ka xumaadeen.
4Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa, iyo dadkiisa, iyo gurigiisa dhexdooda maahee.
6Wuuna ka yaabay rumaysadla'aantooda aawadeed. Kolkaasuu tuulooyinka ku wareegay isagoo wax baraya.
7¶ Kolkaasuu laba-iyo-tobankii u yeedhay, wuxuuna bilaabay inuu laba laba u diro. Wuuna siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan.
8Wuxuuna ku amray, Waxba safarka ha u qaadanina ul maahee. Kibis iyo qandi iyo lacag kiishad ku jirta ha qaadanina.
9Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina.
10Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.
11Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.
12Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii si ay u toobadkeenaan.
13Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.
14¶ Boqor Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, waayo, magiciisa ayaa meel walba laga wada ogaaday. Kolkaasuu yidhi, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay, sidaa darteeda shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.
15Laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Waa Eliyaas; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Waa nebi, nebiyada kale la mid ah.
16Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay.
22Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weyddiiso, waanan ku siinayaa.
23Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weyddiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed.
30¶ Rasuulladii ayaa Ciise u soo ururay, oo waxay u sheegeen wixii ay sameeyeen oo dhan iyo wixii ay bareenba.
31Markaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, waxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way badnaayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn.
32Kolkaasay keli ahaantooda doonni raaceen oo meel cidla' ah tageen.
33Dadkii baase arkay iyagoo tegaya, qaar badanna way garteen, oo magaalooyinka oo dhan ayay ka soo ordeen, wayna ka dheereeyeen.
34Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.
35¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.
36Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.
37Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?
38Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.
39¶ Kolkaasuu ku amray inay cawska koox koox ugu fadhiisiyaan.
40Waxay u fadhiisteen safaf boqol boqol iyo konton konton ah.
41Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey, kibistiina ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan, labadii kalluunna wuu u qaybiyey giddigood.
42Dhammaantood way wada cuneen, oo ka dhergeen.
43Oo waxay soo gureen laba iyo toban dambiilood oo ka buuxa jajabkii iyo kalluunka.
44Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.
45¶ Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale oo Beytsayda intuu dadkii badnaa dirayo.
46Goortuu kala diray, ayuu buurta tegey inuu ku tukado.
54Goortay doonnida ka soo degeen, kolkiiba dadku way garteen isaga.
55Oo waxay orod ku wareegeen dalka u dhow oo dhan oo bilaabeen inay kuwa buka sariiro ugu soo qaadaan meeshii ay ku maqleen inuu joogo.
56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.