1¶ Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.
2Waayo, waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin.
3¶ Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, intuu cuntada u fadhiyey, waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar naaradiin oo qaali ah ku jiro. Weelkii bay jebisay, oo cadarkii madaxiisay ku shubtay.
4Waxaa joogay kuwa qalbiga ka cadhooday, oo waxay isku yidhaahdeen, Cadarkii maxaa sidan loogu khasaariyey?
5Waayo, cadarkan waxaa lagu iibin kari lahaa wax saddex boqol oo dinaar ka badan oo masaakiinta la siin lahaa, wayna ku gunuunaceen iyadii.
6Laakiin Ciise baa ku yidhi, Daaya. Maxaad iyada u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.
7Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan. Markaad doonaysaan wax wanaagsan waad u samayn kartaan. Aniguse mar walba idinlama joogo.
8Way samaysay waxay kartay. Waxay hore ugu soo baxday inay jidhkayga udgoonayso aasniintayda aawadeed.
9Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.
10¶ Yuudas Iskariyod oo ahaa mid laba-iyo-tobanka ka mid ah ayaa u tegey wadaaddada sare inuu u gacangeliyo.
11Iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballanqaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.
12¶ Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?
13Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca.
14Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?
39Mar kale ayuu tegey oo tukaday isagoo hadalkii oo kale ku hadlaya.
40Mar kale ayuu yimid oo arkay iyagoo hurda, waayo, indhahoodu lulmay la cuslaayeen, ma ayna garan waxay ugu jawaabaan.
41Kolkii saddexaad ayuu yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta, waa ku filan tahay. Saacaddii waa timid. Bal eega, Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.
42Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.
43¶ Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimmada iyo waayeellada.
44Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii. Qabta oo kaxeeya oo dhawra.
45Kolkuu yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, Macallimow, wuuna dhunkaday.
46Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen.
47Midkooda oo ag taagnaa ayaa seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadkii sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay.
48Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay?
61Isaguse waa iska aamusay oo waxba uma jawaabin. Mar kale wadaadkii sare ayaa weyddiiyey oo ku yidhi, Miyaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Kan la ammaano?
69Gabadhii baa aragtay oo bilowday haddana inay kuwii ag taagnaa ku tidhaahdo, Kanu waa midkood.
70Laakiin mar kale ayuu dafiray. Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa mar kale Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, waxaad tahay reer Galili, afkaaguna waa la mid afkooda.