📖 Maahmaahyadii 6
-
1
Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid, Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid,
-
2
Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.
-
3
Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi, Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay; U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari.
-
4
Indhahaaga hurdo ha isugu keenin, Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.
-
5
Isu samatabbixi sida cawl gacanta ugaadhsadaha uga baxsato, Iyo sida shimbir gacanta shimbirdabaha uga baxsato.
-
6
Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag, Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo,
-
7
Iyadoo aan lahayn madaxweyne, Sirkaal iyo taliye toona,
-
8
Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.
-
9
Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa? Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?
-
10
Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,
-
11
Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
-
12
Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;
-
13
Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa;
-
14
Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.
-
15
Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
-
16
Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
-
17
Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
-
18
Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,
-
19
Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
-
20
Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
-
21
Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.
-
22
Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
-
23
Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
-
24
Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.
-
25
Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.
-
26
Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.
-
27
Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban?
-
28
Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban?
-
29
Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.
-
30
Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo,
-
31
Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.
-
32
Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.
-
33
Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro; Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba.
-
34
Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.
-
35
Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.