📖 Maahmaahyadii 21
-
1
Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah, Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.
-
2
Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.
-
3
Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
-
4
Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan, Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.
-
5
Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo. Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.
-
6
Khasnadihii carrab been badan lagu helaa waa sida ceeryaamo hor iyo dib loo kaxeeyey, Oo kuwa doondoontaana dhimashay doonaan.
-
7
Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.
-
8
Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.
-
9
In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
-
10
Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa, Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.
-
11
Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa, Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.
-
12
Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.
-
13
Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.
-
14
Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.
-
15
Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.
-
16
Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.
-
17
Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa, Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.
-
18
Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah, Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.
-
19
In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.
-
20
Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.
-
21
Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.
-
22
Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.
-
23
Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.
-
24
Ninkii kibirsan ee qab weyn waxaa magiciisa la yidhaahdaa quudhsade, Oo wuxuu ku shaqeeyaa cadhada kibirka.
-
25
Ninkii caajis ah waxaa dila damaciisa, Waayo, gacmihiisu waxay diidaan inay hawshoodaan.
-
26
Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.
-
27
Ka sharka leh allabarigiisu waa karaahiyo, Oo markuu niyo xun ku bixiyona way ka sii daran tahay!
-
28
Markhaatifuraha beenta ahu waa baabbi'i doonaa, Laakiinse ninkii wax maqla hadalkiisu waa raagi doonaa.
-
29
Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.
-
30
Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
-
31
Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka, Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.