📖 Maahmaahyadii 15
-
1
Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.
-
2
Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.
-
3
Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan, Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.
-
4
Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.
-
5
Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
-
6
Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.
-
7
Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.
-
8
Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
-
9
Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.
-
10
Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul, Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.
-
11
She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin, Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga?
-
12
Kii wax quudhsadaa ma jecla in la canaanto, Oo dooni maayo inuu kuwa caqliga leh u tago.
-
13
Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa, Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.
-
14
Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.
-
15
Kuwa dhibaataysan maalmahooda oo dhammu waa xunxun yihiin, Laakiinse kii qalbigiisu faraxsan yahay had iyo goorba waa u iid.
-
16
Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.
-
17
Cunto khudaareed oo jacayl la jiro Ayaa ka wanaagsan dibi la cayiliyey oo nacayb la jiro.
-
18
Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.
-
19
Ninkii caajis ah jidkiisu waa sida meel qodxan leh oo kale, Laakiinse kii xaq ah jidkiisu waa dariiq bannaan.
-
20
Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.
-
21
Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.
-
22
Meeshii aan talo jirin xaajooyinku waa baabba', Laakiinse taliyayaashii badan ayay ku hagaagaan.
-
23
Nin wuxuu farxad ka helaa jawaabta afkiisa, Oo eraygii wakhti ku habboon la yidhaahdaana sidee buu u wanaagsan yahay!
-
24
Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose.
-
25
Rabbigu wuu dumin doonaa guriga kuwa kibirka leh, Laakiinse dhulka carmalka xadkiisa wuu adkayn doonaa.
-
26
Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.
-
27
Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa, Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.
-
28
Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.
-
29
Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay, Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.
-
30
Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa, Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.
-
31
Dhegtii canaanta nolosha maqashaa Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.
-
32
Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.
-
33
Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda, Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.