📖 Maahmaahyadii 12
-
1
Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay, Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon.
-
2
Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.
-
3
Ninna shar kuma dhismi doono, Laakiinse kuwa xaqa ah xididkooda weligiis lama dhaqaajin doono.
-
4
Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj, Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira.
-
5
Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.
-
6
Kuwa sharka leh erayadoodu waa gabbasho ay u gabbadaan si ay dhiig u daadiyaan, Laakiinse kuwa qumman afkooda ayaa samatabbixin doona.
-
7
Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.
-
8
Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.
-
9
Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.
-
10
Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa, Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya.
-
11
Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.
-
12
Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha, Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.
-
13
Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.
-
14
Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.
-
15
Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.
-
16
Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.
-
17
Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.
-
18
Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.
-
19
Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa, Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.
-
20
Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.
-
21
Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.
-
22
Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.
-
23
Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.
-
24
Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.
-
25
Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa, Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga.
-
26
Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga.
-
27
Ninkii caajis ahu ma dubto wuxuu soo ugaadhsaday, Laakiinse ninkii dadaala maalkiisu waa qaali.
-
28
Jidka xaqnimada nolol baa taal; Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.