📖 Maahmaahyadii 11
-
1
Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.
-
2
Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb; Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.
-
3
Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.
-
4
Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
-
5
Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa, Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.
-
6
Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.
-
7
Nin shar lahu markuu dhinto, wuxuu filanayay way baabbi'i doontaa, Oo xumaanfalayaasha rajadooduna way baabba'daa.
-
8
Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato, Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.
-
9
Labawejiilahu afkiisuu deriskiisa ku halligaa, Laakiinse kan xaqa ahu aqoon buu ku samatabbixi doonaa.
-
10
Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.
-
11
Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.
-
12
Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.
-
13
Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.
-
14
Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa, Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.
-
15
Kii qof qalaad dammiintaa, xumaan buu ka helaa, Laakiinse kii dammiinashada necebu ammaan buu u fadhiyaa.
-
16
Naag nimcaysan sharaf bay haysataa, Oo niman xoog lahuna maal bay haystaan.
-
17
Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa, Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.
-
18
Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.
-
19
Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.
-
20
Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.
-
21
Waxaan aad idiinku xaqiijinayaa inaan kan sharka lahu taqsiirla'aan doonayn. Laakiinse farcanka kuwa xaqa ah waa la samatabbixin doonaa.
-
22
Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.
-
23
Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.
-
24
Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.
-
25
Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
-
26
Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.
-
27
Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo, Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.
-
28
Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.
-
29
Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.
-
30
Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed, Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.
-
31
Bal eega, kan xaqa ahu abaalkiisuu dhulka ku heli doonaa, Haddaba immisa abaalgud oo ka sii badan bay heli doonaan kan sharka leh iyo dembiluhu.