12Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.
13Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,
14Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.
15¶ Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.
16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.
27Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,
28markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,
29Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,
30Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,
31Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,
32Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.
33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.
34Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo,
35si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.
36¶ Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed.
37Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay.
38Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahadnaqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.