1¶ Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray.
2Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado.
3Maalinba maalin kibistayada nagu filan na sii.
4Oo naga cafi dembiyadayada, waayo, annaguba waa u cafinnaa mid walba oo aannu qaan ku leennahay, oo jirrabaaddana ha noo kaxayn.
5¶ Wuxuuna ku yidhi, Kiinnee baa saaxiib leh oo saqdadhexe u tegaya oo ku odhanaya, Saaxiibow, saddex kibsood i amaahi,
6waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo.
7Kaasaana gudaha ka jawaabaya oo odhanaya, Ha i dhibin. Albaabka waa la xidhay; carruurtayduna sariirtay ila jiiftaa; umana kici karo inaan wax ku siiyo.
8Waxaan idinku leeyahay, In kastoo aanu kici doonin oo aanu siin doonin saaxiibnimadiisa aawadeed, weliba baryo badnaantiisa aawadeed ayuu u kici doonaa oo u siin doonaa in alla intuu u baahan yahay.
9Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa.
10Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa.
22Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay.
23Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.
24¶ Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn, isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay.
26Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore.
27¶ Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.
28Laakiin wuxuu ku yidhi, Runtaa, laakiin waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaah maqla oo xajiya.
29¶ Goortii dadkii badnaa isugu soo ururayeen, wuxuu bilaabay inuu yidhaahdo, Qarniganu waa qarni shareed; calaamo bay doonayaan, lamana siin doono, calaamada Yoonis maahee.
30Waayo, sida Yoonis calaamo ugu noqday reer Nineweh, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahu calaamo ugu ahaan doonaa qarnigan.
31Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga.
32Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.
33¶ Ma jiro nin, goortuu ilays shido, dhiga meel qarsoon ama weel hoostiisa, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.