3Kii dibi gowracaa wuxuu la mid yahay mid nin dilay oo kale, kii wan yar allabari ahaan u bixiyaana wuxuu la mid yahay mid eey qoorta ka jebiya oo kale, oo kii qurbaan bixiyaana wuxuu la mid yahay sida isagoo doofaar dhiiggiis bixiya oo kale, oo kii foox shidaana wuxuu la mid yahay sida isagoo sanam ammaana. Hubaal waxay doorteen jidadkooda, oo naftooduna waxay ku faraxdaa karaahiyadooda.
4Anna waxaan dooran doonaa dhibaatooyinkooda, oo waxay ka cabsadaanna waan ku soo kor dayn doonaa, maxaa yeelay, markaan u yeedhay, innaba cidina iima jawaabin, oo markaan la hadlayna, ima ay maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa bay sameeyeen, oo waxay doorteen wax aanan ku farxin.
5¶ Kuwiinna eraygiisa ka gariirow, bal erayga Rabbiga maqla. Walaalihiinna idin neceb, oo magacayga aawadiis idiin xoora, waxay yidhaahdeen, Rabbiga ha la ammaano, si aan farxaddiinna u aragno, laakiinse iyagu way ceeboobi doonaan.
6Buuq baa magaalada laga maqlayaa, cod baana macbudka ka yeedhaya, waana codka Rabbiga oo cadaawayaashiisii abaalmarinaya.
8Bal yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay.
14Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.
15Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis.
16Waayo, Rabbigu wuxuu binu-aadmiga oo dhan ku xukumi doonaa dab iyo seeftiisa, oo kuwa Rabbigu laayana way badan doonaan.
17Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa isdaahiriya, oo beeraha isku dhex nadiifiya, oo midba midka kale daba socdo, oo hilibka doofaarka, iyo karaahiyada, iyo jiirka cunaa dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.
18Waayo, shuqulladooda iyo fikirradooda waan ogahay, oo waxay noqon doontaa inaan soo wada ururiyo quruumaha iyo afafka oo dhanba, oo iyana way iman doonaan, ammaantaydana way arki doonaan.
19Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.
20Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay Rabbiga qurbaan ahaan ugu keeni doonaan walaalihiin oo dhan, oo waxay ka soo kaxayn doonaan quruumaha oo dhan, iyagoo fuushan fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo sariiro gacmeed, iyo baqlo, iyo rakuubbo dheereeya, oo waxay keeni doonaan buurtayda quduuska ah ee Yeruusaalem, sida reer binu Israa'iil ay weel nadiifsan qurbaankooda ugu keenaan oo ay guriga Rabbiga u soo geliyaan.
21Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan iyaga kala dhex bixi doonaa wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah.
23Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in bil ka bil iyo sabti ka sabti binu-aadmiga oo dhammuba ay u iman doonaan inay hortayda igu caabudaan.
24Oo iyana way bixi doonaan, oo waxay fiirfiirin doonaan dadkii igu xadgudbay meydadkooda, waayo, dixirigoodu ma dhiman doono, oo dabkuna kama demi doono, oo waxay binu-aadmiga oo dhan u noqon doonaan karaahiyo.