1¶ Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan.
2Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun.
3Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.
4Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen?
5Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa,
6oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn.
7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.
8¶ Hoog waxaa leh kuwa guriba guri ku dhejiya oo beerna beer kale ku dara ilaa meel la waayo oo ay keli ahaantood dhulka dhexdiisa degaan.
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.
10Oo weliba toban tacab oo beer canab ahu waxay dhali doonaan qiyaas bad la yidhaahdo oo keliya, oo xomeer muggiis oo iniino ahuna wuxuu dhali doonaa in eefaah qaadi karo.
11¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!
18¶ Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale,
19kuwaasoo yidhaahda, Isagu ha soo dhaqsado, oo shuqulkiisana ha soo deddejiyo, si aannu u aragno aawadeed, oo Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil taladiisuna ha soo dhowaato oo ha timaado, si aannu iyada u aqoonsanno aawadeed!
20¶ Hoog waxaa leh kuwa sharka yidhaahda waa wanaag, wanaagna yidhaahda waa shar, oo gudcurkana iftiin ku beddela, iftiinkana gudcur ku beddela, oo qadhaadhkana macaan ku beddela, macaankana qadhaadh ku beddela.
21¶ Hoog waxaa leh kuwa isla caqliga badan ee isla miyirka badan!
22¶ Hoog waxaa leh kuwa u xoogga badan inay khamri cabbaan, iyo dadka u itaalka weyn inay qasaan wax lagu sakhraamo,
23kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!
24Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.
25Haddaba sidaas daraaddeed ayaa cadhadii Rabbigu dadkiisa ugu oloshay, oo wuxuu iyaga ku soo fidiyey gacantiisii, wax buuna ku dhuftay, oo buurihiina way wada gariireen, oo meydadkoodiina jidadkay dhex daadsanaayeen sida qashin oo kale, hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisu weli way sii fidsan tahay.
26¶ Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.
27Midkoodna ma daali doono, mana kufi doono, oo midkoodna ma gam'i doono, mana seexan doono, dhex-xidhkuna ma furmi doono, yeelmaha kabahooduna ma go'i doono.