3Waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil iyo Badbaadiyihiinna. Masar baan furashadiinnii u bixiyey, oo Itoobiya iyo Sebaana beddelkiinnii.
4Indhahayga hortooda waxaad ku ahaydeen kuwa qaali ah, oo sharaf badan, waanan idin jeclaaday, oo sidaas daraaddeed niman baan idinku doorsan doonaa, oo dad badan baan naftiinna ku soo beddelan doonaa.
5Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, oo farcankiinnana xagga bari baan ka keeni doonaa, oo xagga galbeed baan idinka soo ururin doonaa,
6oo waxaan woqooyi ku odhan doonaa, Soo daa, oo koonfurna waxaan ku odhan doonaa, Ha celin, wiilashayda meel fog ka soo kexee, oo gabdhahaygana dhulka darafkiisa ka soo kexee,
7waana mid kasta oo magacayga loogu yeedho, oo aan u uumay sharaftayda aawadeed. Anigaa sameeyey, oo anigaa suubbiyey.
8Waxaad soo bixisaan dadka indhaha la' oo indho leh, iyo kuwa dhegaha la' oo dhego leh.
9Quruumaha oo dhammu ha isu soo wada urureen, oo dadyowguna ha soo wada shireen. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxan sheegi kara oo waxyaalihii hore noo sheegi kara? Markhaatiyaashoodii ha keenteen si ay xaq ku noqdaan aawadeed, amase ha maqleen oo ha yidhaahdeen, Taasu waa run.
10Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka iyo addoonkaygii aan doortayba markhaatiyaashaydii baad tihiin inaad ogaataan oo aad i rumaysataan, oo aad garataan inaan anigu isagii ahay. Aniga hortay Ilaah lama samayn, dabadayna innaba ma jiri doono.
11Aniga, aniga qudhayda ayaa Rabbiga ah, oo aniga mooyaane Badbaadiye kale ma jiro.
16Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,
17kan gaadhifaraska iyo faraska, iyo ciidanka iyo ninka xoogga badan soo bixiya, iyagu dhammaantood way wada jiifsadaan, oo mana ay kici doonaan, way bakhtiyeen, oo waxay u dameen sidii dubaalad oo kale.
18Waxyaalihii hore ha xusuusanina, waxyaalihii qadiimka ahaana ha ka fikirina.
19Bal eega, wax cusub baan samaynayaaye, oo haddeer bay soo baxayaan, idinku miyeydaan garan doonin? Xataa cidlada dhexdeeda jid baan ka samayn doonaa, oo lamadegaanka dhexdiisana webiyo baan ka jeexi doonaa.
20Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,
21oo ah dadkaan abuurtay si ay ammaantayda u muujiyaan.
22Laakiinse reer Yacquubow, ima aydaan baryin, reer Israa'iilow, waad iga daasheen.
23Adhigiinnii qurbaannadiinna la gubo iiguma aydaan keenin, oo allabaryadiinniina iguma aydaan sharfin. Anigu idinkuma aanan dhibin inaad qurbaanno ii bixisaan, oo idinkumana aanan daalin inaad foox ii shiddaan.