1¶ Bal eega addoonkayga aan tiiriyo, oo aan doortay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saaray. Wuxuu quruumaha u soo saari doonaa xukunka.
2Ma uu qaylin doono, korna uma dhawaaqi doono, oo codkiisana kama uu dhigi doono in jidadka laga maqlo.
3Cawsduur nabar leh ma jebin doono, dubaalad qiiqaysana ma demin doono, xukunkuu runta ku soo saari doonaa.
4Isagu ma uu taag darnaan doono, mana uu qalbi jabi doono, jeeruu caddaalad dhulka ku hagaajiyo, oo gasiiraduhuna waxay sugi doonaan sharcigiisa.
5¶ Saas waxaa leh Ilaaha Rabbiga ah oo samooyinka uumay oo kala bixiyey, kan dhulka iyo waxa ka soo baxaba kala fidiyey, kan dadka jooga neefta siiya, oo kuwa dhulka ku socdana ruuxa siiya.
6Aniga Rabbiga ah ayaa xaqnimo kuugu yeedhay, oo gacantaan kugu hayn doonaa, oo waan ku dhawri doonaa, oo dadyowga ayaan axdi ahaan kuu siin doonaa, oo iftiin ahaan baan quruumaha kuu siin doonaa,
7inaad kuwa indhaha la' indhaha u furtid, iyo inaad maxaabiista xabsiga ka soo bixisid, iyo inaad kuwa gudcurka fadhiya ka soo bixisid guriga xabsiga.
8Anigu waxaan ahay Rabbiga, kaasuna waa magacayga, oo sharaftaydana mid kale ma siin doono, oo ammaantaydana sanamyo xardhan innaba ma siin doono.
9Bal eega, waxyaalihii hore way wada noqdeen, oo hadda waxaan idiin sheegayaa waxyaalo cusub, oo intayan iman ayaan idiin sii sheegayaa.
10¶ Kuwiinna badda ku sii dhaadhacayow, iyo waxa dhexdeeda ku jira oo dhammow, gasiiradaha iyo kuwa degganow, Rabbiga hees cusub ugu heesa, oo ammaantiisana dhulka darafkiisa ka qaada.
11Cidlada iyo magaalooyinkeeda iyo tuulooyinka ay reer Qedaar deggan yihiinba, codkooda kor ha u qaadeen, kuwa Selac degganu ha heeseen, oo buuraha dushooda ha ka qayliyeen.
12Rabbiga ha sharfeen, oo ammaantiisana gasiiradaha ha ka naadiyeen.
13Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.
14¶ Wakhti dheer baan iska aamusnaa oo aan xasilloonaa oo aan iscelinayay, oo haatan waxaan u qaylin doonaa sida naag foolanaysa oo kale, waan hinraagi doonaa, waanan taahi doonaa.
22Laakiinse kuwanu waa dad la dhacay oo la boobay, oo kulligoodna waxaa lagu dabay godad, oo waxaa lagu qariyey guryo xabbiseed, iyagu waa wax la ugaadhsado, oo ninna ma samatabbixiyo, waa wax la boobo oo ciduna ma tidhaahdo, soo celiya.
23Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona?
24Bal yaa reer Yacquub ka dhigay in la boobo, yaase reer binu Israa'iil tuugagga u gacangeliyey? Sow ma aha Rabbiga, kan aynu ku dembaabnay oo ay diideen inay jidadkiisa ku socdaan, oo ay sharcigiisana addeeci waayeen?
25Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.