1¶ Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa.
2Oo waxay noqon doontaa in wixii dadka ku dhaca ay wadaadkana ku dhacaan, oo wixii addoonka hela, sayidkana way heli doonaan, oo wixii iibiyaha helana, iibsadahana way heli doonaan, oo wixii amaahiyaha helana amaahsadahana way heli doonaan, oo wixii korsaarqaataha helana, korsaarbixiyahana way heli doonaan.
3Oo dalkana dhammaantiis waa la madhin doonaa oo la kharribi doonaa, waayo, Rabbiga ayaa eraygaas ku hadlay.
4Dhulku wuu baroortaa, wuuna qallalaa, dunidu way daashaa, wayna qallashaa, oo dadka sarena way daalaan.
5Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen.
6Sidaas daraaddeed dhulkii waxaa baabbi'iyey habaar, oo kuwii dhex degganaana eed baa laga helay, sidaas daraaddeed kuwii dhulka degganaa way gubteen oo wax yar baa ka hadhay.
7Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan.
8Farxaddii dafku way joogsatay, oo kuwii rayraynayay buuqoodiina waa dhammaaday, farxaddii kataaradduna way joogsatay.
9Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba.
10Magaalada cidlada ah waa la dumiyey, oo guri kastana waa la xidhay si aan ninna u soo gelin.
11Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay.
12Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.