1¶ Kanu waa warka culus ee Baabuloon ku saabsan oo uu Ishacyaah ina Aamoos arkay.
2Buurta dheer calan ka taaga, codkana iyaga kor ugu qaada, oo u gacanhaadiya inay irdaha kuwa gobta ah galaan.
3Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya.
4Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka.
5Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.
6Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid.
7Haddaba sidaas daraaddeed gacmo oo dhammu way taag gabi doonaan, oo nin kastaba qalbigiisu wuu dhalaali doonaa.
9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.
10Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono.
11Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa.
12Waxaan dadka ka dhigi doonaa wax dhif ah oo ka qaalisan dahabka wanaagsan, oo binu-aadmigana waxaan ka dhigi doonaa wax aan badnayn sida dahabka saafiga ah ee Oofir.
20Oo weligeed innaba lama degi doono oo tan iyo ab ka ab laguma dhex hoyan doono, oo Carabkuna halkaas teendho kama dhisan doono, oo adhijirraduna halkaas adhigooda ma daajin doonaan.
21Laakiinse halkaas waxaa jiifsan doona dugaagga lamadegaanka, oo guryahoodana waxaa ka buuxsami doona guumeyso, oo waxaa ku hoyan doona gorayo, waxaana ku dhex cayaari doona xayawaan dhogor dheer leh.
22Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.