1¶ Kanu waa wixii Ishacyaah ina Aamoos la tusay ee uu ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem waagii ay Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah.
3Dibigu kan isaga leh wuu yaqaan, oo dameerkuna waa yaqaan meeshuu wax ka cuno ee sayidkiisa, laakiinse reer binu Israa'iil waxba ma yaqaaniin, oo dadkayguna waxba garan maayaan.
4Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen.
11Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona.
12Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan?
13Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi.
14Bilihiinna cusub iyo ciidihiinnaba naftaydu way neceb tahay, waa ii culays, inaan u adkaysto waan ka daalay.
15Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan.
21¶ Magaaladii aaminka ahayd oo caddaaladdu ka buuxday, sidee bay dhillo u noqotay! Waxaa ku jiri jirtay xaqnimo, haatanse waxaa jooga gacankudhiiglayaal!
22Lacagtaadii wasakh bay noqotay, khamrigaagiina waxaa ku qasmay biyo.
23Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.
24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.
25Oo haddana gacantayda waan ku saari doonaa, oo wasakhdaadana aad baan kaaga nadiifin doonaa, waxaaga aan saafi ahayn oo dhanna waan kaa bixin doonaa.
26Oo waxaan kuu soo celin doonaa xaakinnadaadii sidii markii hore oo kale, oo lataliyayaashaadana waxaan ka dhigi doonaa sidii bilowgii oo kale, oo dabadeedna waxaa laguugu yeedhi doonaa Magaalada xaqnimada, iyo magaalada aaminka ah.
27Siyoon waxaa lagu soo furan doonaa caddaalad, oo kuweeda soo noqdayna waxaa lagu soo furan doonaa xaqnimo.
28Laakiinse kuwa xadgudba iyo dembilayaasha isku mar baa la burburin doonaa, oo kuwa Rabbiga ka tagana waa la wada baabbi'in doonaa.
29Waayo, way ku ceeboobi doonaan geedihii aad jeclaateen, oo beerihii aad doorateenna waad ku qasmi doontaan.