10¶ Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen.
11Ka hadli maayo baahi, waayo, waxaan bartay inaan raalli ku ahaado hadba xaaladdii aan ku jiro.
13Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya.
14Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen.
15Idinka qudhiinnuba waad taqaaniin, reer Filiboyow, in injiilka bilowgiisii markii aan Makedoniya ka soo kacay aan kiniisaduna ila qaybsan waxa ku saabsan bixinta iyo helidda, idinkoo keliya mooyaane.
16Waayo, xataa markii aan Tesaloniika joogay, idinku mar iyo labaad ii soo dirteen wixii aan u baahnaa.
17Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya.
18Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
19Ilaahaygu wuu idin siin doonaa wixii aad u baahan tihiin oo dhan, sida ay tahay hodantinimadiisa xagga ammaanta Ciise Masiix ku jirta.
20Haddaba ammaanu ha u ahaato Ilaaha Aabbeheenna ah weligiis iyo weligiis. Aamiin.
21¶ Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.
22Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.
23¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.