📖 Filemon 1
-
1
¶ Anigoo Bawlos ah oo Ciise Masiix maxbuus u ah, iyo walaalkeen Timoteyos, waxaannu warqaddan u qoraynaa Filemon oo ah gacaliyahayaga nala shaqeeya,
-
2
iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal.
-
3
Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
-
4
¶ Had iyo goorba Ilaahay baan kuugu mahadnaqaa, anigoo baryadayda kugu xusuusanaya,
-
5
waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.
-
6
Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.
-
7
Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.
-
8
¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,
-
9
haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.
-
10
Waxaan kuu baryayaa wiilkayga Oneesimos oo aan dhalay anigoo xabbisan,
-
11
kii waagii hore aan waxtarka kuu lahaan jirin, haatanse adiga iyo anigaba wax ina tara.
-
12
Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah.
-
13
Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.
-
14
Laakiinse ma aanan doonayn inaan sameeyo wax aadan ila ogayn, inaan wanaaggaagu noqon dirqi laakiinse uu noqdo ikhtiyaar.
-
15
Mindhaa wuxuu cabbaar kaaga maqnaa inaad weligaa haysatid;
-
16
laakiinse aadan mar dambe u haysan addoon sidiis, illowse si mid addoon ka wanaagsan oo ah walaal aan khusuusan anigu jeclahay, laakiinse adigu aad iga sii jeceshahay, xagga jidhka iyo xagga Rabbigaba.
-
17
Haddaba haddaad igu tirinaysid inaan ahay saaxiibkaaga wax kula wadaaga, isaga u aqbal sidaad ii aqbali lahayd.
-
18
Oo hadduu ku xumeeyey ama wax kaa qabo, aniga igu xisaab.
-
19
Anigoo Bawlos ah waxaan gacantayda ku qorayaa, Anigaa bixin doona. Kugu odhan maayo, Wax baan kugu leeyahay xataa naftaadaba ha noqotee.
-
20
Haah, walaalkayow, xagga Rabbiga farxad aan kaa helo, qalbigaygana xagga Masiixa ku qabowji.
-
21
Waxaan aaminsanahay addeeciddaada, oo sidaas daraaddeed ayaan warqaddan kuugu soo qorayaa, anigoo garanaya inaad samaynaysid wax ka sii badan waxaan leeyahay.
-
22
¶ Isla markaasna ii diyaari meel aan ku hoydo; waayo, waxaan rajaynayaa in baryadiinna laygu kiin siiyo.
-
23
¶ Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,
-
24
iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.
-
25
¶ Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.