1¶ Haddaba maalintii saddexaad Esteer baa gashatay dharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeedday guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyey carshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqornimada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga laga soo galo.
2Oo markii boqorkii arkay Boqorad Esteer oo barxadda dhex taagan ayuu raalli ka noqday iyada, oo boqorkiina wuxuu Esteer ku soo fidiyey ushii dahabka ahayd oo gacantiisa ku jirtay. Markaasaa Esteer soo dhowaatay oo taabatay usha dusheedii.
3Kolkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye.
4Kolkaasaa Esteer waxay tidhi, Boqorow, hadday kula wanaagsan tahay, maanta adiga iyo Haamaanba kaalaya martiqaadka aan u diyaariyey.
5Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Haamaan haddiiba ha dhaqsado, si loo yeelo waxay Esteer tidhi. Oo sidaas daraaddeed boqorkii iyo Haamaanba waxay yimaadeen martiqaadkii ay Esteer u diyaarisay.
6Oo intii martiqaadkii khamriga la joogay ayuu boqorkii Esteer ku yidhi, Baryadaadu waa maxay? Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa laguu yeelayaaye.
12Oo Haamaan weliba wuxuu kaloo yidhi, Xataa boqoradda Esteer ninna uma ay oggolaan inuu boqorka u soo raaco martiqaadkii ay diyaarisay aniga mooyaane; oo weliba berrina anigoo boqorka la jira ayay i martiqaadday.
14Markaasaa naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhammu waxay ku yidhaahdeen, Ha la sameeyo qori wax lagu deldelo oo dhererkiisu konton dhudhun yahay, oo subaxda waxaad boqorka ku tidhaahdaa, Mordekay meeshaas ha lagu deldelo. Oo markaas dabadeed adigoo faraxsan boqorka martiqaadka u raac. Kolkaasaa hadalkaasu ka farxiyey Haamaan; oo wuxuu amray in meeshii deldelaadda la sameeyo.