1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii Boqor Beelshaasar ayaa riyo ii muuqatay anigan Daanyeel ah, taasuna way ka dambaysay tii markii hore ii muuqatay.
2Oo wax baan riyadii ku arkay, oo haddaba saas bay ahayd in markaan riyada arkay aan joogay daartii weynayd oo ku tiil Shuushan oo ku jirtay gobolka Ceelaam; oo riyadii baan haddana arkay oo waxaan ag joogay Webi Uulay.
3Markaasaan indhahaygii kor u qaaday, oo waxaan arkay wan laba gees leh oo webiga hortiisa taagan; oo labada geesna way dheerdheeraayeen, laakiinse mid baa ka dheeraa midka kale; oo kii dheeraa baa markii dambe soo baxay.
4Oo waxaan arkay wankii oo wax u riixaya xagga galbeed iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureed, oo bahalna ma hor istaagi karin, mana jirin mid gacantiisa wax ka bixin karay; laakiinse siduu doonayay ayuu yeeli jiray, wuuna isweyneeyey.
5Oo intii aan ka fiirsanayay ayaa waxaa galbeed ka yimid orgi, wuxuuna kor maray dhulka dushiisa oo dhan, dhulkana ma uusan taaban: orgiguna wuxuu labada indhood dhexdooda ku lahaa gees weyn.
6Oo wuxuu u yimid wankii labada gees lahaa oo aan arkay, isagoo webiga hortiisa taagan, kolkaasuu ku orday isagoo aad u cadhaysan.
7Oo waxaan arkay isagoo wankii u soo dhowaaday, aad buuna ugu xanaaqay, oo wankii buu hardiyey, labadiisii geesna wuu ka jebiyey. Wankiina ma lahayn xoog uu iskaga celiyo, laakiinse dhulkuu ku tuuray, wuuna ku tuntay, mana jirin mid wanka orgiga ka samatabbixin karaa.
8Markaasaa orgigii aad iyo aad isu weyneeyey, oo markuu aad xoog u yeeshay ayaa geeskii weynaa ka jabay; markaasaa beddelkiisii waxaa u soo baxay afar gees oo waaweyn oo u jeeday samada afarteeda jaho.
10Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay.
11Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray.
12Markaasaa ciidankii iyo qurbaankii joogtada ahaaba isagii la siiyey, waxaana loo siiyey xadgudub, markaasuu runtii dhulka ku soo tuuray, wuxuu sameeyey ayuuna ku barwaaqoobay.
13Dabadeedna waxaan maqlay mid quduus ah oo hadlaya, markaasaa mid kale oo quduus ahu wuxuu ku yidhi kii hadlay, Ilaa goormay ahaan doontaa riyada ku saabsan qurbaanka joogtada ah, iyo xadgudubka wax baabbi'iya, si meesha quduuska ah iyo ciidankaba loogu tunto?
14Markaasuu igu yidhi, Ilaa laba kun iyo saddex boqol oo fiid iyo subax, dabadeedna meesha quduuska ah waa la nadiifin doonaa.
15¶ Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg.
16Oo nin codkiis ayaan ka dhex maqlay Webi Uulay wuuna dhawaaqay, oo yidhi, Jibriilow, ninkan riyada garansii.
17Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta.
18Oo intuu ila hadlayay ayaan hurdo aad u weyn la dhacay anigoo wejiga dhulka ku hayo, laakiinse isagii baa i taabtay oo i sara joojiyey.
19Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.