📖 Cibraaniyada 1
-
1
¶ Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii,
-
2
laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey.
-
3
Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,
-
4
isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.
-
5
¶ Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay? Oo weliba, Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe, Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?
-
6
Oo weliba, markuu curadka dunida dhex keenayay, wuxuu yidhi, Malaa'igaha Ilaah oo dhammu isaga ha caabudeen.
-
7
Oo xagga malaa'igahana wuxuu ka yidhi, Wuxuu malaa'igihiisa ka dhigaa dabaylo, Kuwa u adeegana dab ololkiis.
-
8
Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi, Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis; Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada.
-
9
Adigu xaqnimada waad jeclayd, dembigana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
-
10
Oo, Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay, Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,
-
11
Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa; Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan,
-
12
Oo sida go' baad u laallaabi doontaa, Sida dhar bayna u beddelmi doonaan; Adiguse sidaadii uun baad tahay Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.
-
13
Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Midigtayda fadhiiso Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo?
-
14
Miyaanay kulligood ahayn ruuxyo kaalmeeya oo loo soo diray inay shuqul u qabtaan kuwa badbaadada dhaxli doona?