1¶ Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
2Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay quduusnimadiisa, isagoo leh, Bal eega, waxaa iman doona wakhti laydinkula tegi doona qabatooyin, oo jillaabbo baa lagu qabsan doonaa kuwiinna hadhay.
3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkiin kastaaba meelaha jajaban buu ka soo dusi doonaa hortiisa, oo waxaad isku tuuri doontaan Harmoon.
5Oo allabari mahadnaqid ah ka bixiya wixii la khamiiriyey, oo waxaad ku dhawaaqdaan oo naadisaan qurbaanno ikhtiyaar loo keeno, waayo, saasaad jeceshihiin, dadka Israa'iilow, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkiinna oo dhan waxaan idinku siiyey ilko nadiifsan oo ka timaado cuntola'aan ka dhacda meelihiinna oo dhan, laakiinse iima aydaan soo noqon.
7Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay.
8Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.