1¶ Markaasaa Eliishaa u yeedhay mid qoonkii nebiyada ka mid ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo weelkan saliidda ahna gacanta ku sii qaado, oo waxaad tagtaa Raamod Gilecaad.
2Oo markaad halkaas tagto waxaad doondoontaa Yeehuu ina Yehooshaafaad oo ahaa ina Nimshii, oo u tag oo walaalihiis ka dhex kici, oo intaad kaxaysid qol hoose la gal.
3Oo markaas waxaad qaadataa weelka saliidda ah oo madaxiisa ku shub, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya dalka Israa'iil. Oo markaas intaad albaabka furtid carar oo innaba ha raagin.
14¶ Sidaasuu Yeehuu ina Yehooshaafaad oo ahaa ina Nimshii u shirqoolay Yooraam. (Haddaba Yooraam iyo dadka Israa'iil oo dhammu waxay u sii haysteen Raamod Gilecaad Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya daraaddiis,
15laakiinse Boqor Yooraam wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii reer Suuriya ku dhufteen markuu la diriray boqorkii reer Suuriya oo Xasaa'eel ahaa). Markaasaa Yeehuu wuxuu yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay yaan ninna baxsan oo magaalada ka bixin si uu intuu Yesreceel tago xaalkan u sheego.
17Haddaba waardiyihii wuxuu kor taagnaa noobiyaddii Yesreceel, oo wuxuu arkay kooxdii Yeehuu oo soo socota; markaasuu yidhi, Waxaan u jeedaa koox. Yooraamna wuxuu yidhi, Nin faras wata u dir, oo ha ka hor tago, oo ha ku yidhaahdo, War ma nabad baa?
18Sidaas daraaddeed waxaa tegey mid faras ku jooga inuu isaga ka hor tago, oo wuxuu ku yidhi, Boqorkii wuxuu ku leeyahay, Ma nabad baa? Oo Yeehuu baa wuxuu ku yidhi, War maxaa nabad kaa galay? I soo daba gal. Markaasaa ninkii waardiyaha ahaa wuxuu yidhi, Ninkii wargeeyska ahaa wuu u tegey iyagii, laakiinse soo noqon maayo.
19Markaasuu haddana diray mid labaad oo faras ku jooga, oo isna intuu u tegey ayuu ku yidhi, Boqorkii wuxuu ku leeyahay, Ma nabad baa? Oo Yeehuu baa ugu jawaabay, War maxaa nabad kaa galay? I soo daba gal.
20Markaasaa ninkii waardiyaha ahaa yidhi, Isna wuu u tegey iyagii, laakiinse soo noqon maayo, oo socodkuna wuxuu u eg yahay sidii socodkii Yeehuu ina Nimshii; waayo, wuxuu gaadhifaraskiisa u kaxeeyaa sidii isagoo waalan.
21Markaasaa Yooraam yidhi, Gaadhifaras diyaariya. Oo iyana gaadhifaraskiisii ayay diyaariyeen. Kolkaasaa Yooraam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil iyo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba waxay baxeen isagoo mid waliba gaadhifaraskiisii ku jiro, oo waxay u baxeen inay Yeehuu ka hor tagaan, oo waxay ka heleen beertii Naabood kii reer Yesreceel.
22Oo markii Yooraam Yeehuu arkay ayuu ku yidhi, War Yeehuu, ma nabad baa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, War xaggee nabadu joogtaa inta hooyadaa Yesebeel dhillanimadeedii iyo sixirnimadeediiba ay aad u badan yihiin?
23Markaasaa Yooraam intuu faraskii dib u ceshaday ayuu cararay oo wuxuu Axasyaah ku yidhi, War Axasyaah, tanu waa khiyaano.
24Markaasaa Yeehuu qaansadiisii ku xooday xooggiisii oo dhan, oo Yooraam ku dhuftay labada garab dhexdooda, oo fallaadhiina waxay ka mudhbaxday wadnaha, markaasuu ku dhex dhacay gaadhifaraskiisii.
25Kolkaasaa Yeehuu wuxuu ku yidhi Bidqar oo sirkaalkiisii ahaa, Isaga kor u qaad oo ku dhex tuur beerta Naabood kii reer Yesreceel; waayo, bal xusuuso sidii Rabbigu isaga hadalkan culus uga sheegay markaynu aniga iyo adiguba innagoo fardo fuushan aabbihiis Axaab daba soconnay;
31Oo markii Yeehuu iriddii ka soo galay ayay tidhi, Simriigii sayidkiisii dilayow, ma nabad baa?
32Oo isna intuu kor u eegay xagga daaqaddii ayuu yidhi, War yaa ila gees ah? Yaa ila gees ah? Markaasaa waxaa soo fiiriyey laba ama saddex nin oo bohon ah.
33Kolkaasuu ku yidhi, Soo tuura iyada. Iyana way soo tuureen, oo dhiiggeedii waxaa qaar ku saydhmay derbigii iyo fardihii; oo isna kolkaasuu iyadii ku tuntay.
34Oo markuu meeshii galay ayuu wax cunay oo wax cabbay, dabadeedna wuxuu yidhi, Bal naagtan habaaran u jeesta oo aasa, waayo, iyadu waa ina boqor.
35Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane.
36Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda.
37Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.