4Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.
5Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan.
6Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.
7Oo wuxuu dumiyey guryihii makhnuudyada oo ku dhex yiil guriga Rabbiga meeshay naaguhu ku samayn jireen daahyadii geedihii Asheeraah.
8Oo wadaaddadii oo dhanna wuxuu ka soo kaxeeyey magaalooyinkii dalka Yahuudah, wuuna nijaaseeyey meelihii sarsare oo wadaaddadu fooxa ku shidi jireen, tan iyo Gebac ilaa Bi'ir Shebac; oo haddana wuxuu dumiyey meelihii sarsare oo irdaha, kuwaas oo ku yiil meesha laga soo galo iridda Yashuuca oo ahaa taliyihii magaalada, oo ku yiil xagga bidix ee iridda magaalada.
9Habase yeeshee wadaaddadii meelaha sarsare ma ay iman meeshii allabariga oo Rabbiga ee Yeruusaalem ku tiil, laakiinse walaalahood way ku dhex cuni jireen kibis aan khamiir lahayn.
10Oo wuxuu nijaaseeyey Tofed oo ku taal dooxadii reer Xinnom, si uusan ninna wiilkiisa ama gabadhiisa dabkii u dhex marin Moleg.
11Oo wuxuu fogeeyey fardihii boqorradii dalka Yahuudah ay qorraxda ku siiyeen iridda laga soo galo guriga Rabbiga ee u dhow qolkii Naataan Meleg oo bohon ahaa uu degganaa, oo gaadhifardoodkii qorraxdana buu gubay.
12Oo meelihii allabariga oo ku yiil qowladda sare ee Aaxaas saqafkeeda oo boqorradii dalka Yahuudah ay sameeyeen, iyo meelihii allabariga oo Manaseh ka sameeyey labada barxadood oo guriga Rabbiga ayuu boqorkii wada dumiyey, oo halkaas intuu ka orday ayuu boodhkoodii ku shubay durdurkii Qidroon.
13Oo boqorkii wuxuu kaloo nijaaseeyey meelihii sarsare oo Yeruusaalem horteeda ku yiil, kuwaas oo ku yiil midigta buurta baabba'a, kuwaas oo Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil uu u dhisay Cashtored oo ahayd karaahiyadii reer Siidoon, iyo Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.
14Oo wuxuu burburiyey tiirarkii, geedihii Asheeraahna wuu jaray, oo meelahoodiina wuxuu ka buuxiyey dad lafahood.
15Oo weliba wuxuu kaloo dumiyey meeshii allabariga ee Beytel ku tiil, iyo meeshii sare oo Yaaraabcaam ina Nebaad oo dadkii Israa'iil dembaajiyey uu sameeyey, oo isla meeshii sare wuu gubay oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo geedihii Asheeraahna wuu gubay.
16Oo Yoosiyaah markuu soo jeestay ayuu arkay qabuurihii buurta ku yiil, oo intuu cid diray oo qabuurihii lafihii ka soo bixiyey ayuu meeshii allabariga ku dul gubay, wuuna nijaaseeyey, sidii uu ahaa erayga Rabbiga oo ninkii Ilaah naadiyey, kaasoo ahaa kii waxyaalahan naadiyey.
17Markaasuu yidhi, Taalladaas aan arkaa waa maxay? Oo dadkii magaaladu waxay ku yidhaahdeen, Waa qabrigii ninkii Ilaah oo dalka Yahuudah ka yimid oo naadiyey waxyaalahan aad ku samaysay meeshii allabariga ee Beytel.