6Laakiinse gacankudhiiglayaasha carruurtoodii ma uu dilin; oo wuxuu yeelay sida ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse sidii Rabbigu amray, isagoo leh, Aabbayaasha yaan loo dilin carruurtooda, carruurtana yaan loo dilin aabbayaashood; laakiinse nin waluba dembigiisa ha u dhinto.
7Oo Dooxadii Cusbada wuxuu reer Edom kaga laayay toban kun oo nin, oo Selacna dagaal buu ku qabsaday, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Yoqte'eel, ilaa maantadanna waa loo yaqaan.
8¶ Markaasaa Amasyaah wargeeyayaal u diray Yehoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee.
9Kolkaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil u cid diray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Yamaaruggii Lubnaan ku yiil wuxuu u cid diray geedkii kedarka ah oo Lubnaan ku yiil, oo wuxuu ku yidhi, Gabadhaada sii wiilkaygu ha guursadee; oo waxaa halkaas soo maray bahal Lubnaan joogay, markaasuu yamaaruggii ku joogsaday.
10Hubaal reer Edom baad laysay, waanad isla weynaatay, haddaba faan oo dalkaaga iska joog, waayo, bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan?
25Oo wuxuu soo celiyey soohdintii dalka Israa'iil tan iyo meesha laga galo Xamaad iyo tan iyo badda Caraabaah, taasuna waa siduu ahaa Eraygii Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil ee uu kaga hadlay addoonkiisii ahaa Nebi Yoonis ina Amitay oo ahaa reer Gad Heefer.
26Waayo, Rabbigu wuxuu arkay dhibaatadii ay dadkii Israa'iil ku jireen inay aad u qadhaadhayd, waayo, ma jirin mid xidhan iyo mid furan toona, mana jirin mid dadkii Israa'iil u kaalmeeya.
27Rabbigu ma uu odhan, Magaca dadka Israa'iil waan ka baabbi'inayaa samada hoosteeda. Laakiinse iyagii wuxuu ku badbaadiyey Yaaraabcaam ina Yoo'aash.