1¶ Markaasaa Yuusuf ku hor adkaysan kari waayay kuwii isaga la taagnaa oo dhan; oo wuxuu ku qayliyey, Nin walba dibadda iiga bixiya. Oo ninnaba lama taagnayn isaga markii Yuusuf walaalihiis isu sheegay.
2Markaasuu intuu codkiisii kor u qaaday ooyay; oo Masriyiintiina way maqleen, dadkii guriga Fircoonna way maqleen.
3Markaasuu Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Yuusuf baan ahay, ee aabbahay weli ma nool yahay? Walaalihiisna way u jawaabi kari waayeen; waayo, aad bay ugu argaggexeen hortiisa.
4Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay.
5Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo.
6Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin.
7Oo Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada.
9Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin;
10oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba;
23Oo aabbihiisna sidan buu wax ugu diray, toban dameer oo ay ku raran yihiin waxyaalihii wanwanaagsanaa ee Masar, iyo toban dameerood oo hadhuudh iyo cunto ku raran yihiin, iyo sahaydii aabbihiis jidka ku soo mari lahaa.
24Markaasuu walaalihiis diray, oo iyana way tageen; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Idinku jidka ha isugu cadhoonina.
25Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub.
26Markaasay u sheegeen oo ku yidhaahdeen, Yuusuf weli waa nool yahay, oo wuxuu u taliyaa dalka Masar oo dhan. Markaasuu taag darnaaday, waayo, wuu rumaysan waayay iyagii.
27Markaasay u sheegeen hadalkii Yuusuf kula hadlay oo dhan, oo markuu arkay gaadhifardoodkii Yuusuf u soo diray in isaga lagu qaado ayaa aabbahood Yacquub ruuxiisii cusboonaaday.