📖 Bilowgii 10
-
1
¶ Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.
-
2
¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.
-
3
Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Riifad, iyo Togarmaah.
-
4
Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim iyo Dodaaniim.
-
5
Kuwaasay jasiiradihii quruumuhu ugu kala qaybsameen waddammadoodii, dad kasta sidii afkoodii, iyo qabiilooyinkoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.
-
6
¶ Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud, iyo Kancaan.
-
7
Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaah, iyo Racmaah, iyo Sabteka: wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa, iyo Dedaan.
-
8
Kuushna wuxuu dhalay Nimrod: wuxuuna bilaabay inuu noqdo mid dhulka xoog weyn ku leh.
-
9
Wuxuu ahaa ugaadhsade ku xoog weyn Rabbiga hortiisa: taas daraaddeed waxaa la yidhaahdaa, Sidii Nimrod ugaadhsade xoog weyn Rabbiga hortiisa.
-
10
Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.
-
11
Dhulkaas wuu ka tegey oo wuxuu galay Ashuur, wuxuuna dhisay Nineweh, iyo Rexobod, iyo Kaalah,
-
12
iyo Resen oo u dhexeeyey Nineweh iyo Kaalah, (taasuna waxay tahay magaalada weyn).
-
13
Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim iyo Naftuxiim,
-
14
iyo Fatrusiim iyo Kasluxiim (oo ay reer Falastiin ka yimaadeen), iyo Kaftoriim.
-
15
¶ Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo ahaa curadkiisii, iyo Xeed;
-
16
iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash;
-
17
iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini;
-
18
iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad: dabadeedna qabiilooyinkii Kancaan way kala firdheen.
-
19
Oo soohdintii reer Kancaan waxay ka bilaabmaysay Siidoon, markii loo kaco xagga Geraar, ilaa Gaasa, oo markii loo kaco xagga Sodom iyo Gomora iyo Admah iyo Seboyim, ilaa Laashac.
-
20
Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Xaam, sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.
-
21
¶ Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.
-
22
Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam.
-
23
Wiilashii Araamna waxay ahaayeen Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mash.
-
24
Arfaksadna wuxuu dhalay Salah; Salahna wuxuu dhalay Ceeber.
-
25
Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil: mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg; waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay; magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.
-
26
Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah;
-
27
iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah;
-
28
iyo Coobaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa;
-
29
iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab: kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.
-
30
Meeshay degganaayeenna waxay ka bilaabmaysay Meesha, markii loo kaco xagga Sefaar, buurta bari.
-
31
Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Sheem; sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.
-
32
Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.