📖 Baroorashadii Yeremyaah 5
-
1
Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.
-
2
Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.
-
3
Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen
-
4
Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.
-
5
Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.
-
6
Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.
-
7
Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.
-
8
Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
-
9
Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno, Waana seefta cidlada aawadeed.
-
10
Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale, Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.
-
11
Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.
-
12
Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay, Oo odayaashiina lama sharfin.
-
13
Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen, Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.
-
14
Odayaashii iridday ka joogsadeen, Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen.
-
15
Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.
-
16
Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!
-
17
Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
-
18
Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda.
-
19
Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.
-
20
Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?
-
21
Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.
-
22
Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.