📖 Baroorashadii Yeremyaah 3
-
1
Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.
-
2
Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.
-
3
Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.
-
4
Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.
-
5
Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.
-
6
Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.
-
7
Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.
-
8
Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.
-
9
Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.
-
10
Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya.
-
11
Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.
-
12
Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.
-
13
Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.
-
14
Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.
-
15
Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.
-
16
Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.
-
17
Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.
-
18
Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.
-
19
Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.
-
20
Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.
-
21
Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.
-
22
Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.
-
23
Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.
-
24
Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.
-
25
Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.
-
26
Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.
-
27
Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay.
-
28
Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray.
-
29
Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.
-
30
Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.
-
31
Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono.
-
32
Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.
-
33
Waayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo.
-
34
In maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo,
-
35
Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,
-
36
Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.
-
37
Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?
-
38
Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?
-
39
Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?
-
40
Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.
-
41
Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.
-
42
Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.
-
43
Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.
-
44
Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.
-
45
Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.
-
46
Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.
-
47
Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.
-
48
Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.
-
49
Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan
-
50
Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.
-
51
Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.
-
52
Kuwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale.
-
53
Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.
-
54
Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.
-
55
Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.
-
56
Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.
-
57
Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.
-
58
Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.
-
59
Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.
-
60
Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.
-
61
Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,
-
62
Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.
-
63
Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan.
-
64
Rabbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda.
-
65
Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.
-
66
Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa.