📖 Ayuub 9
-
1
Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
-
2
Sida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay, Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa?
-
3
Oo hadduu doonayo inuu la doodo isaga, Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo.
-
4
Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay; Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?
-
5
Isagu wuxuu rujiyaa buuraha, oo iyana ma ay yaqaaniin, Markuu cadhadiisa ku afgembiyo.
-
6
Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.
-
7
Wuxuu amraa qorraxda, oo iyana sooma ay baxdo, Xiddigahana wuu xidhaa.
-
8
Isagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya, Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda.
-
9
Oo wuxuu sameeyey ururrada xiddigaha oo la yidhaahdo Orsada iyo Oriyon iyo Toddobaadyada, Iyo xiddigaha koonfureed.
-
10
Wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin.
-
11
Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga, Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.
-
12
Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?
-
13
Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.
-
14
Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?
-
15
In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.
-
16
Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.
-
17
Waayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan, Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa.
-
18
Isagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.
-
19
Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?
-
20
In kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona, In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan.
-
21
Anigu waan qummanahay, oo nafsaddayda kama fikiro, Noloshaydana waan quudhsadaa.
-
22
Kulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa, Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba.
-
23
Haddii belaayadu haddiiba wax disho, Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin.
-
24
Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?
-
25
Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda, Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.
-
26
Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.
-
27
Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa, Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,
-
28
Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.
-
29
Kolleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?
-
30
Haddaan biyo baraf ah ku maydho, Oo aan gacmahayga aad iyo aad u nadiifiyo,
-
31
Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol, Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.
-
32
Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.
-
33
Ma jiro nin noo dhexeeya, Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.
-
34
Isagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.
-
35
Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.