📖 Ayuub 7
-
1
War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga? Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?
-
2
Sida addoon hoos u xiisooda, Iyo sida shaqaale mushahaaradiisa filanaya,
-
3
Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn, Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.
-
4
Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa, Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.
-
5
Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah, Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.
-
6
Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha, Oo rajola'aan baan ku noolahay.
-
7
Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun, Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.
-
8
Kii i fiiriya ishiisu mar dambe ima arki doonto, Indhahaagu way i fiirin doonaan, laakiinse anigu ma jiri doono.
-
9
Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba'do, Sidaasoo kale ayaa kii She'ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn.
-
10
Isagu mar dambe gurigiisii kuma soo noqon doono, Oo meeshiisiina mar dambe ma ay aqoon doonto.
-
11
Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.
-
12
War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda, Bal maxaad ii daawanaysaa?
-
13
Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta, Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,
-
14
Ayaad riyooyin igu bajisaa, Oo waxaad igu cabsiisaa muuqashooyin.
-
15
Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa Ceejin iyo geeri.
-
16
Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.
-
17
Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?
-
18
Bal maxaad subax kasta u soo booqanaysaa, Oo aad daqiiqad kasta u tijaabinaysaa?
-
19
Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn, Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?
-
20
Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?
-
21
Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday? Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa, Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.