📖 Ayuub 40
-
1
Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
-
2
Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
-
3
Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
-
4
Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa? Afkaan gacanta saarayaa.
-
5
Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo, Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.
-
6
Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
-
7
Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
-
8
War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
-
9
Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
-
10
Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.
-
11
Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.
-
12
Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
-
13
Dhammaantood ciidda ku qari, Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.
-
14
Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.
-
15
Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale, Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.
-
16
Haddaba bal eeg, xooggeedu wuxuu ugu jiraa dhexdeeda, Oo itaalkeeduna wuxuu ku jiraa muruqyada caloosheeda.
-
17
Oo dabadeedana waxay u taagtaa sida geed kedar ah oo kale, Oo seedaha bowdooyinkeeduna way isku wada tidcan yihiin.
-
18
Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah; Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.
-
19
Iyadu jidadka Ilaah waa u madax, Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.
-
20
Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.
-
21
Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan, Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.
-
22
Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya, Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.
-
23
Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto, In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.
-
24
Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda? Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?