📖 Ayuub 36
-
1
Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,
-
2
Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa, Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.
-
3
Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa, Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.
-
4
Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha; Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.
-
5
Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado, Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.
-
6
Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado, Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.
-
7
Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
-
8
Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,
-
9
Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda, Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.
-
10
Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda, Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
-
11
Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan, Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo, Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.
-
12
Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan, Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.
-
13
Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho, Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.
-
14
Dhallinyaranimay ku dhintaan, Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.
-
15
Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.
-
16
Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa, Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn, Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.
-
17
Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
-
18
Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.
-
19
Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?
-
20
Habeenka ha doonin, Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.
-
21
Iska jir oo xumaan ha u jeedin, Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.
-
22
Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya; Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
-
23
Jidkiisa yaa u amray? Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?
-
24
Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii Ay dadku ka gabyeen.
-
25
Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.
-
26
Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan; Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.
-
27
Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,
-
28
Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.
-
29
Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa?
-
30
Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa.
-
31
Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa, Oo cunto badanna wuu siiyaa.
-
32
Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa, Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.
-
33
Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa, Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.