📖 Ayuub 33
-
1
Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.
-
2
Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.
-
3
Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.
-
4
Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah, Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.
-
5
Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.
-
6
Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.
-
7
Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto, Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.
-
8
Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,
-
9
Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.
-
10
Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;
-
11
Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.
-
12
Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.
-
13
Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.
-
14
Waayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar, Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn.
-
15
Riyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam'o,
-
16
Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
-
17
Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun, Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,
-
18
Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.
-
19
Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.
-
20
Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.
-
21
Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.
-
22
Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.
-
23
Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman,
-
24
Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay.
-
25
Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.
-
26
Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa, Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa; Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.
-
27
Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay, Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa, Oo taasuna layguma abaalgudin.
-
28
Isagu naftayduu ka soo furtay yamayskii ay ku dhacaysay, Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.
-
29
Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer,
-
30
Si uu naftiisa yamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.
-
31
Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.
-
32
Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.
-
33
Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.