📖 Ayuub 30
-
1
Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.
-
2
Nimanka xooggoodu dhammaaday Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?
-
3
Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar, Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.
-
4
Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal, Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.
-
5
Iyaga dadka waa laga dhex eryaa, Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.
-
6
Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka, Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.
-
7
Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda, Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.
-
8
Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood, Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.
-
9
Oo haatan gabay cay ah baan u noqday, Oo halqabsi baan u ahay.
-
10
Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan, Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
-
11
Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.
-
12
Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq, Oo cagtaydana way iska riixaan, Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.
-
13
Jidadkayga way halleeyaan, Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda; Oo mid caawiyaana ma jiro.
-
14
Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
-
15
Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn, Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale. Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.
-
16
Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
-
17
Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
-
18
Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
-
19
Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
-
20
Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid, Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
-
21
Calooladeeg baad igula soo jeesatay, Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
-
22
Kor baad iigu qaaddaa dabaysha, Oo waxaad i fuushisaa dusheeda, Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
-
23
Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
-
24
Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?
-
25
Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
-
26
Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta, Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
-
27
Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
-
28
Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa, Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
-
29
Waxaan noqday walaalka dawacooyinka, Iyo saaxiibka gorayada.
-
30
Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa, Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
-
31
Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho, Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.