📖 Ayuub 26
-
1
¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
-
2
Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!
-
3
Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
-
4
Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
-
5
Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.
-
6
She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan, Oo Halligaadduna dabool ma leh.
-
7
Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan, Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.
-
8
Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.
-
9
Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.
-
10
Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka.
-
11
Tiirarka samadu way gariiraan, Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.
-
12
Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.
-
13
Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.
-
14
Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?