📖 Ayuub 23
-
1
Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
-
2
Xataa maantadan guryankayga cabashada ahu waa qadhaadh yahay, Oo gacanta i saaranuna waa ka sii daran tahay cabashadayda.
-
3
Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!
-
4
Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa, Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa.
-
5
Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.
-
6
Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.
-
7
Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.
-
8
Bal eega, hore baan u socdaa, laakiinse isagu halkaas ma joogo, Oo dib baan u socdaa, laakiinse ma aan heli karo.
-
9
Oo waxaan tagaa xagga bidix markuu shaqaynayo, laakiinse uma aan jeedi karo; Oo wuxuu ku dhuuntaa xagga midig laakiinse kama arki karo.
-
10
Laakiinse wuu yaqaan jidkaan maro, Oo markuu i tijaabiyo waxaan u soo bixi doonaa sida dahab oo kale.
-
11
Cagtaydu waxay ku adkaatay tallaabooyinkiisa, Jidkiisii waan xajiyey, oo dhanna ugama aan leexan.
-
12
Dib ugama noqon amarkii bushimihiisa, Oo erayadii afkiisana waxaan u hayay wax ka qiimo badan cuntada aanan ka maarmin.
-
13
Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.
-
14
Waayo, wuxuu oofiyaa wixii la ii amray, Oo waxyaalo badan oo saasoo kale ah ayuu maankiisa ku hayaa.
-
15
Sidaas daraaddeed ayaan hortiisa uga naxaa, Oo markaan ka fikiraba waan ka baqaa isaga.
-
16
Waayo, Ilaah ayaa qalbigayga itaal darreeyey, Oo Ilaaha Qaadirka ah ayaa iga nixiyey,
-
17
Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in, Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.