📖 Ayuub 19
-
1
Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,
-
2
War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan Oo aad erayo igu burburinaysaan?
-
3
Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?
-
4
Oo sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay, Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa.
-
5
Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,
-
6
Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.
-
7
Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.
-
8
Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.
-
9
Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.
-
10
Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.
-
11
Aad buu iigu cadhooday, Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.
-
12
Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan, Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan, Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan.
-
13
Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.
-
14
Ehelkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.
-
15
Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye, Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi.
-
16
Waxaan u yeedhaa addoonkaygii, Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba.
-
17
Naagtaydu waxay nacdaa neeftayda, Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga.
-
18
Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan, Oo haddaan sara joogsado way i caayaan.
-
19
Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.
-
20
Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday.
-
21
Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.
-
22
Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan? Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen?
-
23
Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!
-
24
Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan Qalin bir ah iyo rasaas!
-
25
Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono.
-
26
Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,
-
27
Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono, Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn. Qalbigaygu waa taag daranyahay.
-
28
Haddaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay, Bal maxaannu isaga u silcinnaa?
-
29
Si aad u ogaataan in xukun jiro, Waxaad ka cabsataan seefta, Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.