📖 Ayuub 18
-
1
¶ Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
-
2
War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan? War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.
-
3
War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?
-
4
War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?
-
5
Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa, Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.
-
6
Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur, Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.
-
7
Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.
-
8
Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.
-
9
Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.
-
10
Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.
-
11
Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
-
12
Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.
-
13
Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.
-
14
Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.
-
15
Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.
-
16
Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
-
17
Dhulka laguma xusuusan doono, Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.
-
18
Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa, Oo dunidana waa laga eryi doonaa.
-
19
Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona, Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.
-
20
Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa, Sidii ay kuwii horeba uga baqeen.
-
21
Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.