📖 Ayuub 17
-
1
Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.
-
2
Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo, Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.
-
3
Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo; Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?
-
4
Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay, Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid.
-
5
Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan, Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
-
6
Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.
-
7
Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.
-
8
Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan, Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.
-
9
Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa, Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.
-
10
Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya, Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.
-
11
Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.
-
12
Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.
-
13
Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,
-
14
Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay, Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,
-
15
Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?
-
16
Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool, Markaannu ciidda wada galno.