📖 Ayuub 13
-
1
Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay, Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.
-
2
Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale, Anigu idinkama liito innaba.
-
3
Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.
-
4
Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa, Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.
-
5
Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.
-
6
Haddaba bal xaajadayda maqla, Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.
-
7
War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?
-
8
War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?
-
9
War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho? Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?
-
10
Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan Isagu wuu idin canaanan doonaa.
-
11
War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?
-
12
Hadalkiinna xusuusta lahu waa maahmaahyo dambas ah, Oo dhufaysyadiinnuna waa dhufaysyo dhoobo ah.
-
13
Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee, Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.
-
14
Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.
-
15
Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
-
16
Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda, Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.
-
17
Hadalkayga aad u dhegaysta, Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.
-
18
Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey, Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.
-
19
Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.
-
20
Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.
-
21
Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.
-
22
Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.
-
23
Bal xumaatooyinkayga iyo dembiyadaydu waa immisa? Bal xadgudubkayga iyo dembigayga i ogeysii.
-
24
Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?
-
25
Ma waxaad dhibaysaa caleen iska bidaysa? Oo ma waxaad eryanaysaa xaab engegay?
-
26
Waayo, waxyaalo qadhaadh baad iga qortaa, Oo waxaad i dhaxalsiisaa xumaatooyinkii dhallinyaranimadayda.
-
27
Oo weliba cagahayga waxaad gelisaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada fiirisaa, Cagahaygana xad baad u dhigtaa.
-
28
Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.