4waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay.
5Markaasuu Keeyfas u muuqday, markii dambena laba iyo tobankii.
6Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay.
7Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan.
8Markii ugu dambaysayna aniga oo dhicis oo kale ah, ayuu ii muuqday.
9Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilin in loogu yeedho rasuul, waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray.
10Laakiin Ilaah nimcadiisa ayaan ku ahay waxaan ahayba, oo nimcadiisii lay siiyeyna wax aan waxtar lahayn ma ay noqon, laakiin anigu waxaan u hawshooday si ka badan dhammaantood, anigase ma aha laakiin waa nimcada Ilaah ee ila jirtay.
11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.
12¶ Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto?
13Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin.
14Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare.
15Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin.
16Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin.
17Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan.
18Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen.
19Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan.
20¶ Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay.
21Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid.
26Oo cadaawaha ugu dambeeya ee la baabbi'in doonaa waa dhimasho.
27Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo, Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey.
28Markii wax walba la hoos geliyo isaga, markaas ayaa Wiilka qudhiisana la hoos gelin doonaa kan wax walba hoos geliyey isaga, inuu Ilaah wax walba u ahaado dhammaan.
29¶ Haddii kale maxay samayn doonaan kuwa loo baabtiisay kuwii dhintay? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicinba, maxaa haddana loogu baabtiisaa iyaga?
30Maxaynu saacad walba haalis ugu jirnaa?
31Faanka aan idiin qabo xagga Rabbigeenna Ciise Masiix ayaan ku caddaynayaa, walaalayaalow, inaan maalin walba dhinto.
32Haddii aan sida dadka dugaag ugu la dagaallamay Efesos, maxay ii taraysaa? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonnaaye.
33Yaan laydin khiyaanayn, kuwa xun lasocodkoodu waa halleeya asluubta wanaagsan.
34Si qumman u toosa oo hana dembaabina, waayo, qaar baan Ilaahba aqoonin. Waxaan taas u leeyahay inaan idinka xishoodsiiyo.
35¶ Laakiin mid baa odhan doona, Sidee baa kuwii dhintay loo sara kiciyaa? Oo jidh caynkee ah bay ku yimaadaan?
36Doqon yahow, waxaad adigu beertid ma noolaado haddaanu dhiman.
37Oo waxaad beertidba ma beertid jidhka noqonaya, laakiin iniintoo qudha, ha ahaato iniin sarreen ah, ama iniin cayn kale ah.
58Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jeclahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.