12¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.
13Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah, oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha.
14¶ Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan.
15Hadday cagtu tidhaahdo, Anigu gacan ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn.
16Hadday dhegtu tidhaahdo, Anigu isha ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn.
17Haddii jidhka oo dhammu il wada ahaan lahaa, meeye dhegihii wax lagu maqli lahaana? Hadduu dhammaan dhego wada ahaan lahaa, meeh sankii wax lagu urin lahaana?
22Xataa xubnaha jidhka oo loo maleeyo inay u itaal yar yihiin, iyaga qudhooda waa loo baahan yahay,
23oo kuwa jidhka oo aynu u malayno inay u maamuus yar yihiin, kuwaas ayaynu ka sii maamuusnaa kuwa kale, oo xubnaheenna cawrada ah baa ka xurmo badan kuwa kale.
24Xubnaheenna aan cawrada ahaynse waxba uma baahna. Laakiin Ilaah baa jidhka isku hagaajiyey isagoo tan ugu daran maamuus badan siinaya,
25inaan jidhku qaybsanaan, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesho.
26Haddii xubin qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaan. Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan.